Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Kowaad 4:29-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal.

30. Oo Sulaymaan xigmaddiisiina waxay ka fiicnaatay xigmaddii dadka bari oo dhan, iyo xigmaddii Masar oo dhan,

31. maxaa yeelay, isagu wuu ka xigmad badnaa dadka oo dhan, oo xataa wuu ka xigmad badnaa Eetaankii reer Esraax, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Dardaac, kuwaasoo ahaa ilma Maaxool; oo warkiisiina wuxuu gaadhay quruumihii hareerihiisa ku wareegsanaa oo dhan.

32. Oo wuxuu ku hadlay saddex kun oo maahmaahood; oo gabayadiisuna waxay ahaayeen kun iyo shan.

33. Oo wuxuu ka hadlay geedaha, intuu ka bilaabay Kedarka Lubnaan ku yaal, ilaa uu gaadhay husobka derbiga ka soo baxa; oo dugaaggana wuu ka hadlay, iyo haadka, iyo waxyaalaha gurguurta, iyo kalluunka.

34. Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Kowaad 4