Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Kowaad 15:15-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Oo gurigii Rabbigana wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.

16. Oo cimrigoodii oo dhanna dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

17. Oo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa dalka Yahuudah ku kacay, oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

18. Markaasaa Aasaa qaaday kulli lacagtii iyo dahabkii ku hadhay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo wuxuu u dhiibay addoommadiisa, oo Boqor Aasaa wuxuu iyagii u diray Benhadad ina Tabrimmoon oo ahaa ina Xesyoon, oo dalka Suuriya boqorka u ahaa oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,

19. Aniga iyo adiga axdi baa inoo dhexeeya, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray; haddaba bal eeg, waxaan kuu soo diray hadiyad lacag iyo dahab ah, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.

20. Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Kinnered oo dhan, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan.

21. Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo wuxuu degay Tirsaah.

22. Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah.

23. Haddaba Aasaa falimihiisa kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Laakiinse markuu gaboobay wuxuu ka bukooday cagaha.

24. Markaasaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad

25. Oo Naadaab oo ahaa ina Yaaraabcaam boqor buu ka noqday dalka Israa'iil sannaddii labaad oo Aasaa boqorkii dalka Yahuudah; oo wuxuu dalka Israa'iil boqor ka ahaa laba sannadood.

26. Oo isna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis, iyo dembigiisa uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

27. Oo waxaa shirqoolay Bacshaa ina Axiiyaah oo ahaa reer Isaakaar, oo Bacshaa isaguu ku dilay Gibbetoon tan ay reer Falastiin lahaayeen, waayo, Naadaab iyo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuba waxay weerarayeen Gibbetoon.

28. Oo isaga Bacshaa wuxuu dilay oo meeshiisii boqor ka noqday sannaddii saddexaad ee Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

29. Oo haddiiba markuu boqor noqday ayuu wada laayay reerkii Yaaraabcaam oo dhan, oo Yaaraabcaam uma uu dayn qof keliya oo neefsada, laakiinse wuu wada baabbi'iyey, sidii uu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay addoonkiisii Axiiyaah kii reer Shiiloh;

30. waayo, waxay saas u noqotay Yaaraabcaam dembiyadiisii uu dembaabay, oo uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey, iyo xanaaqii uu ka xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha dalka Israa'iil.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Kowaad 15