Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Kowaad 1:46-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

46. Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.

47. Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.

48. Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.

49. Oo Adoniiyaah martidiisii oo dhammuna way wada cabsadeen, oo intay kaceen ayaa nin waluba meeshiisii tegey.

50. Oo Adoniiyaahna wuxuu ka cabsaday Sulaymaan, markaasuu tegey oo qabsaday geesihii meeshii allabariga.

51. Oo waxaa taas loo soo sheegay Sulaymaan oo lagu yidhi, Bal eeg, Adoniiyaah ayaa kaa cabsaday, Boqor Sulaymaanow, oo wuxuu qabsaday geesihii meeshii allabariga, oo yidhi, Boqor Sulaymaan maanta ha ii dhaarto inuusan anoo addoonkiisa ah seef igu dilayn.

52. Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Hadduu isu muujiyo sida nin qumman, xataa tin keliyuhu dhulka kaga dhici maayo, laakiinse haddii xumaan laga helo, wuu dhiman doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Kowaad 1