Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 4:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.

2. Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale.

3. Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka.

4. Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii;

5. laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday.

6. Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday?

7. Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 4