Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 36:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom.

2. Ceesaw wuxuu gabdhihii reer Kancaan ka guursaday Caadah ina Eeloon kii reer Xeed, iyo Aaholiibaamah ina Canah, oo ahayd ina Sibecoon kii reer Xiwi,

3. iyo Basmad oo ahayd ina Ismaaciil, oo la dhalatay Nebayod.

4. Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel;

5. Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan.

6. Markaasaa Ceesaw kaxaystay naagihiisii, iyo wiilashiisii iyo gabdhihiisii, iyo dadkii gurigiisa oo dhan, iyo lo'diisii, iyo xayawaankiisii oo dhan, iyo wixii uu lahaa oo dhan oo uu ku urursaday dalkii Kancaan; markaasuu tegey dal ka fog walaalkiis Yacquub.

7. Waayo, xoolahoodu aad bay u badnaayeen oo ma ay wada degi karin; dhulkii ay degganaan jireenna ma uu wada qaadi karin lo'dooda aawadeed.

8. Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.

9. Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir.

10. Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd.

11. Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 36