Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 3:17-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

18. Oo codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo.

19. Oo anna waxaan ogahay inaanu boqorka Masar idiin sii daynayn inaad tagtaan, maya, ee wuxuuna idiinku diidayaa gacan xoog leh.

20. Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.

21. Oo anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin,

22. laakiinse naag waluba ha weyddiisato deriskeeda iyo tan guriga la joogta alaab lacag ah iyo alaab dahab ah, iyo dhar; waxaadna saari doontaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxaad dhici doontaan Masriyiinta.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 3