Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 21:24-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,

25. oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.

26. Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.

27. Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.

28. Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh.

29. Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa.

30. Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.

31. Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.

32. Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.

33. Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,

34. de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

35. Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.

36. Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 21