Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baroorashadii Yeremyaah 5:17-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.

18. Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.

19. Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.

20. Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?

21. Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.

22. Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.

akhri dhamaystiran cutubka Baroorashadii Yeremyaah 5