Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 8:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.

2. Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.

3. Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,

4. oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino.

5. Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?

6. Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray.

7. Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.

8. Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 8