Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 16:8-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka;

9. xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen;

10. xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe;

11. xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay.

12. Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan.

13. Laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya.

14. Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa.

15. Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.

16. In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.

17. Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?

18. Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.

19. Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 16