Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 12:33-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

33. Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.

34. Haddaba dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Waxaannu sharciga ka maqallay in Masiixu weligiis jiri doono. Sidee baad u leedahay, Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado? Waa ayo Wiilka Aadanahu?

35. Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.

36. Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka. Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu ka tegey oo ka dhuuntay iyaga.

37. Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;

38. inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 12