Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yooxanaa 1:2-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.

3. Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.

4. Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.

5. Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.

6. Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.

7. Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.

8. Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo.

9. Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.

akhri dhamaystiran cutubka Yooxanaa 1