Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yacquub 3:12-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Walaalahayow, geed berde ahu miyuu dhali karaa saytuun, ama geed canab ahu miyuu dhali karaa midho berde ah? Sidaas oo kalena biyo dhanaanu macaan ma ay noqon karaan.

13. Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda.

14. Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina.

15. Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada.

16. Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh.

17. Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.

akhri dhamaystiran cutubka Yacquub 3