Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yacquub 1:22-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.

23. Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya, oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya.

24. Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa.

25. Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Yacquub 1