Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 4:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxyaalahaas dabadeed kor baan eegay oo waxaan arkay albaab samada ka furmay, oo codkii ugu horreeyey oo aan maqlay sidii buun ila hadlaya oo kale, wuxuu igu yidhi, Halkan soo fuul oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalaha waajibka ah inay hadda ka dib dhacaan.

2. Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey,

3. oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud.

4. Oo carshigii hareerihiisana waxaa yiil afar iyo labaatan carshi oo kale; oo carshiyadii dushoodana waxaan ku arkay afar iyo labaatan oday oo ku fadhiya, oo dhar cad qaba; madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab ah.

5. Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah.

6. Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 4