Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 21:11-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. oo magaaladii waxay lahayd ammaanta Ilaah; oo nuurkeedu wuxuu u ekaa dhagax aad u qaali ah, oo sidii dhagaxa yasbidka oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale;

12. oo waxay lahayd derbi weyn oo dheer; oo waxay kaloo lahayd laba iyo toban irdood, oo irdahana waxaa ka taagnaa laba iyo toban malaa'igood; oo waxaa ku qornaa magacyo, kuwaas oo ah magacyadii laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil;

13. oo xagga bari waxay ku lahayd saddex irdood, woqooyina waxay ku lahayd saddex irdood, koonfurna waxay ku lahayd saddex irdood, galbeedna waxay ku lahayd saddex irdood.

14. Oo derbigii magaaladuna wuxuu lahaa laba iyo toban aasaas, oo dushooda waxaa ku qornaa laba iyo tobankii rasuul ee Wanka laba iyo tobankoodii magac.

15. Oo malaa'igtii ila hadashay waxay haysatay cawsduur qiyaaseed oo dahab ah inay ku qiyaasto magaalada iyo irdaheeda iyo derbigeeda.

16. Oo magaaladuna waxay u dhisnayd afar gees, oo dhererkeeduna wuxuu le'ekaa ballaadhkeeda; oo markaasay waxay magaaladii ku qiyaastay cawsduurkii, oo waxay noqotay laba iyo toban kun oo istaadiyon; oo dhererkeeda iyo ballaadhkeeda iyo sarajooggeeduba waa isla ekaayeen.

17. Oo waxay qiyaastay derbigeedii, oo wuxuu noqday boqol iyo afar iyo afartan dhudhun, sidii ay ahayd qiyaastii ninku, kaasoo ah malaa'ig.

18. Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 21