Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 2:16-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.

17. Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.

18. Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

19. Waan ogahay shuqulladaada, iyo jacaylkaaga, iyo rumaysadkaaga, iyo adeegiddaada, iyo samirkaaga, iyo inay shuqulladaadii dambe ka sii badan yihiin kuwaagii hore.

20. Laakiinse wax baan kuu haystaa, waayo, waxaad oggoshahay naagta Yesebeel la yidhaahdo oo nebiyad isku sheegta; oo waxay addoommadayda bartaa oo ku sasabtaa inay sinaystaan oo ay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey.

21. Oo waxaan iyada siiyey wakhti ay ku toobadkeento, iyaduse dooni mayso inay ka toobadkeento sinadeeda.

22. Bal eeg, haddaba iyada sariir baan ku dul tuurayaa, oo kuwii iyada la sinaystana waxaan ku dhex tuurayaa dhibaato weyn, haddii ayan ka toobadkeenin shuqulladeeda.

23. Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 2