Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 16:6-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii quduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan.

7. Oo haddana waxaan maqlay meeshii allabariga oo leh, Haah, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, waxaa run iyo xaq ah xukummadaada.

8. Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto.

9. Markaasaa dadkii waxaa lagu gubay kulayl weyn, oo waxay caayeen magicii Ilaaha belaayooyinka u taliya, oo ma ay toobadkeenin inay isaga ammaanaan.

10. Oo tii shanaadna waxay fijaankeedii ku shubtay carshigii bahalka; boqortooyadiisiina way madoobaatay, oo iyana xanuun aawadiis ayay carrabkoodii la ruugeen,

11. oo xanuunkoodii iyo nabrahoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobadkeenin.

12. Oo tii lixaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiga weyn oo Yufraad; oo biyihiisiina way engegeen, in jidka loo diyaariyo boqorrada ka imanaya qorrax ka soo bax.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 16