Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Muujintii 11:4-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka.

5. Oo haddii nin damco inuu wax yeelo, dab baa afkooda ka soo bixi doona oo gubi doona cadaawayaashooda; oo haddii nin damco inuu wax yeelo, waa in saas loo dilo.

6. Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.

7. Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.

8. Oo meydadkoodu waxay oolli doonaan jidka magaalada weyn oo xagga ruuxa laga yidhaahdo Sodom iyo Masar, halkaasoo Rabbigooda iskutallaabta lagu qodbay.

9. Oo saddex maalmood iyo badh ayaa waxaa meydadkooda daawan doona dad ka yimid dadadka iyo qabiilooyinka iyo afafka iyo quruumaha; oo umana ay oggolaan doonaan in meydadkooda qabri la geliyo.

10. Oo kuwa dhulka degganuna way ku farxi doonaan oo rayrayn doonaan, oo midkoodba midka kale wuxuu u diri doonaa hadiyado; maxaa yeelay, labadan nebi waxay saxariiriyeen kuwa dhulka deggan.

11. Oo saddex maalmood iyo badh dabadeed waxaa iyaga soo gashay neeftii nolosha oo xagga Ilaah ka timid, markaasay cagahoodii ku istaageen; oo kuwii iyaga daawadayna waxaa ku soo degtay cabsi weyn.

12. Oo waxay samada ka maqleen cod weyn oo ku leh, Halkan soo fuula. Markaasay samada tegeen iyagoo daruur ku dhex jira, oo cadaawayaashoodiina way arkeen.

13. Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.

14. Oo hooggii labaadna wuu dhammaaday; oo bal eeg, hooggii saddexaadna dhaqsuu u imanayaa.

15. Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.

akhri dhamaystiran cutubka Muujintii 11