Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 28:16-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.

17. Oo goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey.

18. Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.

19. Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,

20. oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 28