Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 13:54-58 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

54. Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?

55. Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas?

56. Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay?

57. Wayna ka xumaadeen, laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa iyo gurigiisa dhexdooda maahee.

58. Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 13