Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 4:35-41 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.

36. Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.

37. Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.

38. Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?

39. Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday.

40. Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?

41. Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

akhri dhamaystiran cutubka Markos 4