Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 3:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kol dambe wuxuu galay sunagogga; halkaasna waxaa joogay nin gacan engegan.

2. Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan.

3. Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag.

4. Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.

5. Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.

6. Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 3