Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 8:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay.

8. Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

9. Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan?

10. Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.

11. Masaalku waa kan: Abuurku waa ereygii Ilaah.

12. Kuwii jidka yiil waa kuwa maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin.

13. Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 8