Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 23:54-56 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

54. Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.

55. Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.

56. Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 23