Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 22:38-50 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaale. Wuxuu ku yidhi, Waa ku filan tahay.

39. Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.

40. Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

41. Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

42. isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.

43. Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.

44. Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.

45. Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

46. Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

47. Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.

48. Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?

49. Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?

50. Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 22