Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Kolosay 4:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.

2. Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya.

3. Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay;

4. inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo.

5. Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.

6. Mar kasta hadalkiinnu nimco ha lahaado isagoo cusbo lagu daray, inaad ogaataan sida idinku waajibka ah inaad mid kasta ugu jawaabtaan.

7. Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga.

8. Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo,

akhri dhamaystiran cutubka Kolosay 4