Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Galatiya 5:15-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.

16. Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.

17. Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.

18. Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan.

19. Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo,

20. sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,

21. xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.

22. Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo,

23. qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.

24. Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.

25. Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.

26. Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.

akhri dhamaystiran cutubka Galatiya 5