Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Galatiya 1:8-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado.

9. Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado.

10. Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.

11. Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka.

12. Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix.

13. Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.

14. Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay.

akhri dhamaystiran cutubka Galatiya 1