Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Filemon 1:8-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

9. haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.

10. Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan,

11. kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara.

12. Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.

akhri dhamaystiran cutubka Filemon 1