Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 28:24-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen.

25. Oo intay dhexdooda ka heshiin waayeen, ayay kala tageen, Bawlos se wax keliya ayuu ku hadlay, isagoo leh, Ruuxa Quduuska ah si hagaagsan ayuu uga dhex hadlay nebi Isayos markuu awowayaashiin la hadlay,

26. oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;

27. Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

28. Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan.

29. Oo markuu waxyaalahaas ku yidhi ayaa Yuhuuddii iska tageen, iyagoo isla murmaya.

30. Oo laba sannadood oo dhan ayuu iska degganaa hoy uu isagu kiraystay, oo kulli intii u soo gashay oo dhanna wuu soo wada dhoweeyey.

31. Oo isagoo aad u dhiirran ayuu wuxuu ku wacdiyi jiray boqortooyada Ilaah, wuxuuna bari jiray waxyaalaha ku saabsan Rabbi Ciise Masiix, cidnana uma diidin.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 28