Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 17:30-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;

31. maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.

32. Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.

33. Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.

34. Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 17