Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cibraaniyada 10:13-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo.

14. Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.

15. Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,

16. Kanu waa axdiga aan la dhigan doono iyaga Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda, Maankoodana waan ku qori doonaa; markaasuu wuxuu ku daray;

17. Oo dembiyadooda iyo xadgudubyadoodana mar dambe ma xusuusan doono.

18. Markii waxyaalahan la cafiyo, wax dambe oo dembi loo bixiyaa ma jiro.

19. Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,

akhri dhamaystiran cutubka Cibraaniyada 10