Axdiga Hore

Axdiga Cusub

2 Butros 2:17-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.

18. Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;

19. oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.

20. Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

21. Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas.

22. Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.

akhri dhamaystiran cutubka 2 Butros 2