Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 6:4-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. kaasu waa kibirsan yahay, oo waxba garan maayo. Wuxuuna u jeellan yahay su'aalo iyo hadal-iskuqabasho, waxaana ka yimaada hinaaso iyo dirir iyo cay iyo tuhun xun,

5. iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.

6. Laakiin cibaadadu waa faa'iido weyn markii waxa la haysto raalli lagu yahay;

7. waayo, dunida waxba ma aynu keenin, waxbana ka qaadan kari mayno.

8. Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.

9. Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag.

10. Waayo, jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.

11. Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 6