Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 6:18-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,

19. iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.

20. Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah,

21. oo qaar qirashadeeda aawadeed iimaanka ku gafeen. Nimco ha idinla jirto.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 6