Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 2:4-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Wuxuu doonayaa in dadka oo dhammu badbaado oo ay runta gartaan.

5. Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah,

6. oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay.

7. Taas daraaddeed baa layga dhigay inaan noqdo mid wax wacdiya oo rasuul ah oo macallin dadka aan Yuhuudda ahayn ugu ah iimaan iyo run. Taasu waa runtay, oo been sheegi maayo.

8. Taas daraaddeed waxaan doonayaa in raggu meel walba ku tukado iyagoo gacmo quduus ah kor u qaadaya oo aan cadho iyo muran lahayn.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 2