Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 1:8-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman.

9. Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,

10. iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,

11. oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 1