Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Tesaloniika 5:20-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.

21. Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.

22. Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.

23. Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.

24. Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.

25. Walaalayaalow, noo soo duceeya.

26. Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

27. Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.

28. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Tesaloniika 5