Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 2:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah,

2. waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee.

3. Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan.

4. Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 2