Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 12:10-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.

11. Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.

12. Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.

13. Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.

14. Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.

15. Hadday cagtu tidhaahdo, Anigu gacan ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn.

16. Hadday dhegtu tidhaahdo, Anigu isha ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn.

17. Haddii jidhka oo dhammu il wada ahaan lahaa, meeye dhegihii wax lagu maqli lahaana? Hadduu dhammaan dhego wada ahaan lahaa, meeh sankii wax lagu urin lahaana?

18. Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey.

19. Hadday dhammaan ahaan lahaayeen xubin qudha, meeh jidhkii?

20. Haatanse waa xubno badan laakiin waa jidh qudha.

21. Ishu gacanta kuma odhan karto, Kuuma baahni; madaxuna cagaha kuma odhan karo, Idiinma baahni.

22. Xataa xubnaha jidhka oo loo maleeyo inay u itaal yar yihiin, iyaga qudhooda waa loo baahan yahay,

23. oo kuwa jidhka oo aynu u malayno inay u maamuus yar yihiin, kuwaas ayaynu ka sii maamuusnaa kuwa kale, oo xubnaheenna cawrada ah baa ka xurmo badan kuwa kale.

24. Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya,

25. inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho.

26. Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan.

27. Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.

28. Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla.

29. Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa?

30. Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan?

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 12