Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 2:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Dhawr maalmood dabadeed goortuu haddana Kafarna'um galay, waxaa la maqlay inuu guriga joogo.

2. Markaasaa waxaa is-urursaday dad badan, sidaa daraaddeed meel ay joogsadaan ayay ka waayeen xataa albaabka hortiisii, oo iyaga ayuu ereygii kula hadlay.

3. Kolkaasay u yimaadeen oo nin curyaan ah u keeneen, waxaana siday afar qof.

4. Goortay u soo dhowaan kari waayeen dadkii badnaa daraaddiis ayay saqafka dusha ka fureen meeshuu joogay. Goortii ay jebsheen, waxay ka soo dejiyeen sariirtii ninkii curyaanka ahaa ku jiifay.

5. Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay, ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, dembiyadaadu waa cafiyan yihiin.

6. Laakiin halkaa waxaa joogay qaar culimmada ah oo iska fadhiyey oo qalbiyadooda ka fikirayay, oo waxay isku yidhaahdeen,

7. Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?

8. Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan?

9. Iyamaa hawl yar, in curyaanka lagu yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in lagu yidhaahdo, Kac oo sariirtaada qaado oo soco?

akhri dhamaystiran cutubka Markos 2