Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yoonis 4:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay.

2. Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.

3. Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, waan ku baryayaaye naftayda iga qaad, waayo, intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

4. Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, War inaad xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay?

akhri dhamaystiran cutubka Yoonis 4