Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yoo'eel 1:6-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale.

7. Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.

8. Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.

9. Qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinku waa ka go'een gurigii Rabbiga, oo wadaaddada ah Rabbiga midiidinnadiisa way barooranayaan.

10. Beertii way ba'day oo dhulkii wuu barooranayaa, waayo, hadhuudhkii wuu baabba'ay, oo khamrigii cusbaana waa engegay, oo saliiddiina way cidlaanaysaa.

11. Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.

akhri dhamaystiran cutubka Yoo'eel 1