Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 46:14-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah.

15. Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.

16. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirku hadduu wiilashiisa midkood hadiyad siiyo, taasu waa dhaxalkiisa, oo wiilashiisaa lahaan doona, oo waa hantidooda ay dhaxal ahaan u leeyihiin.

17. Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.

18. Oo weliba amiirku waa inuusan dadka dhaxalkooda wax uga qaadan si uu iyaga hantidooda uga bixiyo, laakiinse amiirkii waa inuu hantidiisa wiilashiisa ka dhaxalsiiyaa, si aan dadkaygu nin kastaba hantidiisa uga firdhin.

19. Markaasuu i dhex mariyey iriddii kadinka dhiniciisa ku tiil, oo wuxuu i geeyey qolladihii quduuska ahaa oo wadaaddada oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo bal eeg, meel baa ku tiil dhankooda dambe ee galbeed.

20. Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin.

21. Oo haddana wuxuu ii soo bixiyey barxaddii dibadda, oo wuxuu ka dhigay inaan barxadda afarteedii rukun ku soo wareego, oo bal eeg, barxadda rukunkeed kastaba barxad baa ku tiil.

22. Oo barxadda afarteeda rukunba waxaa ku yiil barxado kala xeraysan oo dhererkoodu afartan dhudhun yahay oo ballaadhkooduna soddon dhudhun yahay, oo afartaas barxadood ee rukummada ku tiil isku qiyaas bay ahaayeen.

23. Oo hareerahooda oo dhanna waxaa laga dhisay meel safan oo afartoodaba way ku wareegsanaayeen, oo safafka ku wareegsanna waxaa laga hoos sameeyey meelo wax lagu kariyo.

24. Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 46