Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 44:18-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Waa inay madaxa ku duubtaan cimaamado linen ah, oo dhexdana waa inay surwaallo linen ah ku xidhaan, oo innaba waa inayan wax ka dhididiya guntaan.

19. Oo markay barxadda dibadda u soo baxaan taasoo ah barxadda dibadda ee uu dadku joogo waa inay dharkii ay ku adeegeen iska bixiyaan, oo waa inay qolladaha quduuska ah dhigaan, oo waa inay dhar kale gashadaan si ayan dadka kale dharkooda quduus ugaga dhigin.

20. Oo waa inayan madaxooda xiirin ama ayan timahoodu inay dheeraadaan u oggolaan, waase inay timahooda jaraan.

21. Oo markay barxadda gudaha soo galaanna wadaadna waa inuusan innaba khamri cabbin.

22. Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.

23. Oo waa inay dadkayga baraan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn waxay ku kala duwan yihiin, oo waxay ka dhigi doonaan inay kala gartaan waxa nijaasta ah iyo waxa nadiifta ah.

24. Oo markay dacwo timaadona waa inay garsoorid u istaagaan, oo waa inay si xukummadayda waafaqsan wax u xukumaan, oo iidahayga oo dhanna waa inay sharciyadayda iyo qaynuunnadaydaba ku dhawraan, oo sabtiyadaydana waa inay quduus ka dhigaan.

25. Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.

26. Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.

27. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu meesha quduuska ah iyo barxadda gudaha ah galo, si uu meesha quduuska ah uga dhex adeego aawadeed, waa inuu qurbaankiisii dembiga bixiyaa.

28. Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.

29. Oo iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 44