Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 40:26-41 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Oo waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan.

27. Oo barxadda hoosena waxaa ku dhex yiil irid xagga koonfureed u sii jeedday, oo irid ilaa iriddeeda kale ayuu xagga koonfureed u qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.

28. Markaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay.

29. Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba sidaas oo kaluu u qiyaasay, oo iyada, iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

30. Oo meelaha dedan oo ku wareegsan dhererkoodu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan dhudhun.

31. Oo meelaheeda dedanu waxay u sii jeedeen xagga barxadda dibadda ah, oo tiirarkeedana waxaa ku xardhanaa geedo timireed, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

32. Oo haddana wuxuu i dhex geeyey barxaddii hoose oo xagga bari u sii jeedday, oo iriddiina wuxuu u qiyaasay sidii qiyaastaas oo kale.

33. Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba waxay wada lahaayeen qiyaastaas oo kale, oo iyada iyo meelaheedii dednaa oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

34. Oo meelaheeda dedanuna waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo tiirarkana waxaa ku xardhanaa geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba kaga yaal, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

35. Markaasuu iriddii woqooyi i geeyey, oo sidaas oo kaluu u qiyaasay

36. qolladaheeda, iyo tiirarkeeda, iyo meelaheeda dedan, oo waxay lahayd daaqado ku wareegsan, oo dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

37. Oo tiirarkeedu waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo geedo timireed ayaa tiirarkiisa dhinacan iyo dhinacaasba kaga xardhanaa, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

38. Oo waxaa jirtay qollad albaabkeedu ku ag yiil tiirarka irdaha, oo halkaasaa qurbaanka la gubo lagu maydhay.

39. Oo balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka.

40. Oo dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale.

41. Iridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 40