Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 38:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

2. Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg.

3. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.

4. Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,

5. iyagoo weliba ay la jiraan reer Faaris iyo reer Kuush iyo reer Fuud, oo kulligood gaashaan iyo koofiyad bir ah sita,

6. iyo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira.

7. Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo.

8. Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.

9. Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.

10. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,

11. oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,

12. inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.

13. Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 38