Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 31:7-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.

8. Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn.

9. Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.

10. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,

11. sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.

12. Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.

13. Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan.

14. Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.

15. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu She'ool galay waxaan ka dhigay in loo baroorto. Oo moolkii baan aawadiis u daboolay, oo webiyaashiisiina waan celiyey, oo biyihii badnaana waa la joojiyey, oo dadka Lubnaanna waxaan ka dhigay inay isaga u baroortaan, oo dhirtii duurka oo dhammuna isaga aawadiis bay u taag darnaadeen.

16. Oo markaan isaga She'ool kula dhex tuuray kuwa yamayska ku dhaadhaca waxaan ka dhigay inay quruumuhu sanqadha dhiciddiisa la wada gariiraan, oo geedaha Ceeden ku yaal oo dhan, oo ah kuwa la doortay oo dhirta Lubnaan ugu wada fiican, kuwaasoo ah inta biyaha cabta oo dhanba, dhulka meelaha ugu hooseeya ayaa loogu wada tacsiyeeyey.

17. Oo iyagiina She'ool bay kula dhaadheceen isagii, oo waxay u wada tageen kuwii seefta lagu laayay. Iyagu gacantiisay ahaayeen oo hooskiisay quruumaha dhexdooda ku degganaan jireen.

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 31