Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yexesqeel 24:1-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid sannaddii sagaalaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii tobnaad, isagoo leh,

2. Wiilka Aadamow, maalintan, xataa isla maantadan qudheeda magaceeda qor, waayo, boqorkii Baabuloon isla maantadan qudheeda ayuu Yeruusaalem ku soo dhowaaday.

3. Oo reerka caasiyoobay waxaad kula hadashaa masaal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Digsiga dabka saara, saara oo biyo ku shuba.

4. Oo waxaad ku gurtaan cadcadka, xataa cadcadka wanwanaagsan oo dhan, oo ah bowdada iyo garabka, oo waxaad ka buuxisaan lafaha ugu wacan.

5. Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.

6. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta, taasoo ah digsiga miridhkiisu ku jiro, oo aan miridhkiisu ka bixin! Cadcad u soo bixiya, iyadoo aan saami lagu bixin.

7. Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.

8. Inay cadho ugu soo kacdo oo ay ka aarsato ayaan dhiiggeedii dhagax diiran dul saaray si uusan u daboolmin.

9. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta! Aniguna tuulmada waan weynayn doonaa.

10. Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.

11. Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.

12. Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.

13. Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.

14. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

15. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

akhri dhamaystiran cutubka Yexesqeel 24